Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dowladda Britain ku wareejiyey dhul ay ka dhisato safaaradeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxmuud ayaa  maanta ku soo dhaweeyey xarunta Villa Soomaalia wafdi ka socday United Kingdom (UK) kuna wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahayeen Safaaradooda cusub.

Sida la sheegay Wafdigan ayaa waxaa horkacayay Safiirka dalka Britain u qaabilsan Soomaliya Mr. Matt Baugh, waxayna aad ugu farxeen in lagu wareejiyay dhulkii ay ka dhisan lahayeen Xarunta Safaradooda ee dalka Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa waxey aheyd markii Villa Soomaaliya lagaga aqbalay warqadahiisa Safiirnimo, Safiirka cusub ee Australia usoo magacawday Soomaaliya, waxaa soo kordhayo dalalka doonayo in ay ka furtaan saafarado rasmi ah dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka in ay dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso dalkasta ee doonaya in xiriir caalami ah la samaysto Soomaaliya oo hadda Ammaankeeda soo hagaagay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: