Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo sheegay in maalinta Sabtida ah loo codeyn doono xeer-hoosaadyada.

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in Sabtida soo socda ay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyaay u codeyn donaan xeer hoosaadka Baarlamanka uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota, iyadoo ay toddobadyadii la soo dhaafay socdeen doodo ay xildhibaannadu ka yeelanayaan qodobbada xeer hoosaadka.

Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay in maalinta Sabtida ah ee soo socta la billaabi doono ansixinta xeer hoosaadka baarlamanka, kaddibna ay xildhibaannadu la billaabi doono dhismaha guddi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay intaas kadib ay ku xigi doonto ka doodista iyo cod u qaadista miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto sannadka soo socda.

Prof. Jawaari oo arrintaas ka hadalayey wuxuu yiri: ”Baarlamaanku wuxuu u shaqeyn doono si wafaqsan sharciga dalka u degsan, sidoo kale rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa inaan horseed u noqonno sidii dalkan uu uga bixi lahaa marxaladihii adkaa ee uu soo maray labaatankii sano ee ugu dambeeyay.”

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu ugu danbeyntii Caddeeyey in xiliyada ay Xildhibaanadu  ku jiraan fasaxyada ay sii shaqeyn doonaan guddiyada Baarlamaanka, xildhibaannaduna ay dhex-geli doonaan shacabka si ay u ogaadaan cabashooyinka ay qabaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: