Advertisements

Dacwadii ku socotay dhismaha safaarada Soomaalida ay ku leedahay Biljamka oo lagu guuleytay.

War naga soo gaaray dalka Beljiumka ayaa sheegaya in Guud ahaan dadkii sida sharci darada ahaa u deganaa xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada ee magaalada Brussels ay si qasab ah looga saaray ka dib markii ay mudo 18 sano ah ku deganaayeen si sharci daro ah.

Sida la sheegay dadka sida xoogga ah u degganaa xarunta safaarada, ugana noolaa qaab deegaan ah, waxayna ahaayeen dad kala jinsiyado duwan, hase yeeshee dacwad uu mudooyinkanba waday Safiirka Soomaaliya ee midowga yurub Ambasadoor Nuur Xasna Xuseen Nuur Cade, oo looyar u qabtay ayaa aakhirkii maxkadamada sare ee dalkan u xukuntay in laga saaro dadkaasi, iyada oo maalintii shalay aheydn kooxaha dowladda hoose iyo booliskuba ay ku dhaqaaqeen in ay si qasab ah uga saaraana xashafadihii iyo alaabooyinkii kalana laga saaray qolalka.

Tan iyo markii la soo magacaabay Ambasadoor Nuur Cade ayaa  waxa uu ku shaqeynayey guri kiro ah, ka dibna waxa uu jaf jaftay laba qol oo ka mid ah xarunta safaarada, halka qeybaha kale oo ka kooban sedex dabaq ay la wadaagayeen dadka ajaanibta ah, howlaha safaaradana lagu qabanayey labadaasi qol.

Xaafadda ay ku taasha Xaruntan ayaa ah meel ay ku badan yihiin safaaradaha Caalamka ayaa iminka waxay u baahan tahay dayactir xoog leh iyo qalabeyn, iyada oo dhinaca kale ambasadoor nuur cade uu sheegay in gurigii safiirka oo isagana si sharci daro ah u degan yihiin qoys biljamees ah iyadana dacwadeeda ay socoto goor dhawna uu rajeynayo in lagu guuleysto.

Dhinaca kale ambasador nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ah safiirka dalka Talyaaniga ayaa ka faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey warar si qaldan loo tarjumay oo la xiriiray xaruntii safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxa uuna sheegay in xaruntaasi oo mudo 22 sano ah aan wax howl safaaraddeed ah lagu qabanin isla markaana dad qaxooti ah deganaayeen dambiyo kala duwana lagu galay, markii dambe lagu soo wargaliyey in dhismaha aan lagu noolaan karin uuna dumayo sidaasi daraadeed waxa uu sheegay maadaama dhowr guri oo hantida Dowladda Soomaaliya ay leedahay ku yaalaan si loo badbaadiyo ay go’aansadeen in shirkad Talyaani ah qandaraas lagu siiyo si ay u dhisto kirada qeyb ka mid ahna u qaadato maalgalintiisa halka inta kalana ay qeyb ka noqon doonaan hantida kala iyo fududeynta howlaha safaarada.

SomaliSwiss    Belgium

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: