Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyn ku sameyn doontaan Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay qorshaha uga addan arrimaha Dibedda iyo sida loo soo celin karo xiriirkii Caalamiga kala dhexeeyay Soomaaliya, isla markaana dhawaan la arki doono isbaddel horumar leh oo ay arintaasi ka gaaraan.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Ra’isal wasaare ku xigeen iyo Xiriirka Caalamiga ayaa markii ugu horeysay wareysi gaar ah siisay warbaahinta, waxaana ay sharaxaad ka bixisay qorshaha wasaaradda iyo arrimaha ugu horeeya ee ay ahmiyada siin doonto, iyadoo tilmaantay in dad badan oo Soomaali ah ay ku dhibaateysan yihiin dalalka caalamka, taasina uu xil weyn ka saara yahay wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Marwo Fowsiyo Yuusuf oo hadalkeeda sii wadatay ayeey dhinaca kale xustay in shirkii ay uga soo qeyb gashay dalka Jabuuti ay kula kulantahay madaxdii ka socotay dalalka Islaamka oo ay tilmaamtay in ay u heellanyihihiin in ay Soomaaliya ka taageeraan dhinac walba.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ayaa ugu hambalyeysay madaxda dowladda iyo Shacbigooda isbadelka ka hirgalay Soomaaliya, waxeyna intaa raacisay in Soomaaliya ay soo ceshan doonto sidii ay ahaan jirtay beri hore.

Sida la ogsoon yahay taariikhda Africa waa markii ugu horeysay oo ay wasiirka arrimaha Dibedda hogaamiso haweeney, taasi waxay qeyb ka tahay isbaddelka ka socda dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: