Advertisements

Rabshadihii ka socday xaafadda Islii oo maanta istaagay iyo xaaladda degmada Garissa oo kacsan.

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay ka jireen rabashado u dhexeeyay Soomaalida degan xaafaddaas iyo dad ka careysan qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee ka Dhacay Isllii ayaa lagu soo warramayaa in maanta  ay xaaladda degan tahay.

Waxaa maanta dib loo furay goobihii ganacsiga Soomalida ee Xaafaddaas, iyadoona uu caadi kusoo noqday isu socodkii dadka. inkastoo ay jirto xooga cabsi ay dadka ka qabaan in markale ay rabshado dhacaan ayaa hadana waxaa goobihii ay rabashada ka dhaceen ku sugan ciidamo katirsan kuwa booliska Kenya.

Mr. James Waweru oo ah Gudoomiyaha Caasamadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa wuxuu shalay qabtay shir jaraa’id wuxuuna ugu baaqay dadka Muslimiinta iyo Kirishtanka ku dhaqan xaafadda Islii in ay joojiyaan weerarrada.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu Masuulkani u sheegay in rabashadaha ka socda Islii ay ka faa’iideysanayaan kooxo uu ku sheegay dambiilayaal doonaya in ay boob u geystaan hantida dadweeynaha.

Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dadka rabashadaha ka wada Islii aysan ahayn dad kasoo jeeda deegaanka Kamakunji balse ay ka yimaadeen degmooyinka kale ee Nairobi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in intii ay socdeen rabashadaha la kufsaday ilaa sagaal gabdhood oo Soomaali ah, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo bartilmaameedsaday Soomaalida ku dhaqan waaxda Sec One ee Xaafadda Islii.

Waxaa kaloo la sheegay in shalay lagu dilay waaxda Sec One Laba qof oo Soomaali ah, waxaana mid kamid ah dadkaasi uu ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada booliska Kenya.

Sida la xaqiijiyey waxaa Rabashadihii shalay ilaa doraad dhacayey in ay sababaeen dhimashada 2 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 qof oo isugu jira Soomaalida Islii iyo kooxihii xaafadda soo weeraray, waxaana sidoo kale jirta hanti aad u badan oo la boobay mudadii ay rabashaduhu socdeen.

Hase ahaatee wararka ka imaanayaa ayaa sheegaya in xaaladda Degmada Garissa oo Kacsan iyo Suuqii ugu Weynaa Magaalada oo Gubtay

Balse waxaa socda howgallo ay Ciidamada ammaanka Kenya ay shalay ilaa xalay ka fuliyeen magaalada Garissa ay ku qabqabteen boqollaal qof oo reer Garissa ah, kadib markii shalay sedex askari lagu dilay magaaladaasi.

Goobjooge ku sugan Garissa oo lagu magacaabo Max’ed Deekh ayaa HOL u sheegay in ciidamo Militari ah ay soo galeen magaalada, wuxuuna xusay in ay xirxireen dad aad u badan isagoona intaa ku daray in ciidamadu ay dadka la dhacayeen qoriga liifkiisa.

Dhinaca kale waxaa gubtay suuqa loo yaqaan Suuq-mugdi oo ah suuqa ugu weyn ee magaalada Garissa, iyadoona ay ku baaba’day hanti aad u badan oo ay lahaayeen dadka reer Garissa.

Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaan ilaa imika la garaneyn waxa uu ka dhashay, waxaana goobjoogeyaal ku sugan Garissa ay Warbaahinta u sheegeen in ciidamada ammaanka ay dadka u diideen in ay hantidooda ka badbaadsadaan dabka.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Max’ed Xaaji Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa si kulul u camabaareeyay tacadiyada ay ciidamada ammaanka Kenya ka geeysteen magaalada Garissa.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay xir-xireen dad badan, qaarna ay garaaceen, qaar kalena guryahooda laga gubay, wuxuuna sheegay in cadaallada la horkeeni doonto qof walba oo qalad geeystay.

Arintan ayaa ka danbeeysay kadib markii shalay gudaha magaalada Garissa lagu dilay sedex askari oo ka tirsan booliska Kenya, kuwaasoo aan ilaa imika la garaneyn cidda ka danbeeysay dilkooda.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: