Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag u cambaareeyey weerarkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen dad rayid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa ee Axaddii lagu qaaday gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay bartamaha Nairobi, weerarkaas oo ay ku dhinteen in kabadan sagaal qof, isla markaana ku dhaawacmeen 30-qof oo kale.

Mudane Xasan Sheikh ayaa tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay weerarkaas, wuxuuna caafimaad qab u rajeyay dadkii  dhaawaca ka soo gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaas ka hadalayey wuxuu yiri: “Argagaxisadu waa dhaqdhaqaaq inta badan ku kaca falal ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan,” wuxuuna sheegay in falkii ka dhacay Nairobi uu ahaa mid aad looga xumaado.

Sidoo kale Madxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay naftooda ku bixinayaan sidii ay u soo celin lahaayeen nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in falalka argagaxiso ee noocan oo kale ah aysan xagal-daacin doonin howsha ay ciidamadaas ka hayaan Soomaaliya iyo sidoo kale xiriirka labada xukuumadood u dhexeeya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tusayaan kalsooni adag walaalahooda Kenya xilligan ay ku jiraan murugada Qaran.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: