Munaasabadda maalinta Caruurta Adduunka oo Maanta laga xusay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta meelo badan oo kamid ah dalka Soomaliya lagu xusayay Munnaasabada maalinta Carruurta Aduunka, waxaana meelihii laga xusay kamid ahaa  magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Ururka SWDC.

Sida aan warku ku helna waxaa goobta lagu qabtay munnaasabadaan ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan iyagoona sheegay in loo baahan yahay daryeelka carruurta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Munnaasabadaan furitaankeedii ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadashay khadiija Maxamed Axmed oo ah xubin ka tirsan Ururka daryeelka carruurta, waxayna u mahad celisay dadkii soo qaban qaabiyay munnaasabadaan.

Sidoo kale lataliyaha hay’adaha daryeelka caruurta Sahro Maxamed Axmed oo halkaas hadal kooban ka jeedisay ayaa waxay sheegtay in ubadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin duruufaha adag iyadoo loo geysto tacadiyo aad u daran, waxayna tilmaamtay in dhibaatooyinka ay qabaan caruurtu ay ugu daran tahay tacliin la’aan , caafimaad daro iyo in aysan jirin cid iska xilsaartay in wax loo qabto dhalaanka.

Mas’uuliyiintii Munaasabaddaas ka hadashay waxay dowladda fedaralka Soomaaliya ka codsaday in ay ka hortagaan  tacadiyada caruurta isla markaana aan la askareyn caruurta.

Si kasta ha ahaatee intii ay socotay munaasabadaa waxaa caruurta darbi jiifka ah la gudoonsiiyay deeq ay ugu tala galeen hay’adaha daryeelka caruurta dhiban, waxaana goobta lagu arkayey qaar ka mid ah caruurtii deeqda la siiyay oo aad u faraxsanaa.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: