Ciidamo fara badan oo xalay lagu daadiyeyXaafadda Islii.

Waxaa Xalay lagu soo daadiyey Ciidamada Amaanka dalka Kenya Xaafada ay Soomaalidu degto ee Islii si  ay uga sameeyaan howlgallo baaritaano ah, kadib markii gelinkii dambe ee shalay uu halkaasi ka dhacay qarax geystay qasaare baaxad leh, ayadoo dhanka kalena uu safiirka Soomaaliya ee dalkaasi ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iney isdejiyaan, ciidammo dheeri ahna xaafadaasi la geeyo si aanan hantida dadka Soomaaliyeed loo boobin.

Sidoo kale Howlgalka ay ciidamada Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ayaa ka dameeyay kadib markii gelinkii dambe ee shalay uu qarax ka dhacay xaafadaasi kaas oo ay ku geeriyoodeen ilaa Todobo qofood halka Sadomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen waxaana howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaasi lagu qabqabtay tiro dad ah.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerico aya ka dalbaday dowladda Kenya in ciidamo dheeraad ah ay geyso xaafadda Islii si aan loo boobin hantida Somalida, wuxuuna ugu baaqay Somalida in ay isdejiyaan.

Sida dhabta ah Qaraxan ayaa loo arkaa in u qeyb ka yahay weeraro argagixiso oo kooxda Shabaab ay hore uga fuliyeen dalkaasi Kenya, kuwaas oo galaaftay nolosha dad aan waxba galabsan.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: