Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo saaray awaamiir la xiriirta qaabka shaqada xafiisyada ku yaala gudaha Madaxtooyada.

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh Maxamud ayaa isbedel siyaasadeed ka sameeyay xafiisyada Villa Soomaaliya iyo safarrada Madaxda dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu soo saaray amaro ku wajahan qaabka shaqada xafiisyada madaxtooyada iyo safarrada madaxda dowladda marka ay ka dhoofayaan Muqdisho soona degayaan.

Madaxweynuhu wuxuu joojiyay booqashooyinkii iyo qaabilaaddii xad-dhaafka ahayd ee Madaxdii isaga ka horeysay ay ku mashquuleen, wuxuuna amar ku bixiyay in hadda iyo wixii ka dambeeya aysan shaqeyn doonin Kaararkii aqoonsiga ee lagu soo geli jiray xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo dadka heysta ayt tiradoodu gaareysay boqolaal ay kaararkooda bixiyeen Sheekh Shariif, C/weli Gaas iyo Shariif Xasan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu amar ku bixiyay in xafiisyada Madaxdu ay u furan yihiin shaqo oo kaliya, isla markaana aysan dhici doonin hadda kadib in xafiisyadooda ay buux dhaafiyaan qaraabo iyo saaxiibo danahooda u socda.

Madaxweynuhu wuxuu u ogolaaday in xafiiskiisa ay booqan karaan oo keliya dadka u socda dan shaqo, maadaama xafiisyadu u furan yihiin dan shacab.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu joojiyay in la xiro waddooyinka Muqdisho marka ay dhoofayaamn ama soo degayaan madaxda dowladda ama wufuud kaleba, maadaama ay taasi xayireyso shacabka oo qaarna shaqooyin u socda, ardayda iyo gaadiidkaba.

Sida awaamiirtan lagu xusay in Madaxdii dowladdii KMG ahayd ay dadku qaati ka joogeen iyadoo marka ay dhoofayaan ama soo degayaan waddada isku xirta Ayraboorka iyo xarunta madaxtooyada ay xiri jireen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, tiiyoo ay dhici jirta in wafdiga oo aan diyaar ahayn la sii xiro waddada oo saacado badan iska xanibnaanaysa.

Ugu daneyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Qorshahan uu wax badan ka bedelayo hab raaca maamulka dowladda, waxayna dadka Muqdisho jooga ay sheegeen in markii madaxweynuhu uu u dhoofayay dalka Uganda aan la xirin waddada, lana arkayay gaarigii siday madaxweynaha iyo ilaaladiisa oo dhex mushaaxaya waddada isku xirta Villa Somalia iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho taasoo ah wadada ugu mashquulka badan Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: