Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya oo Howlgallo ballaaran ka sameeyey wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baacsanayaan kooxaha burcada ah ee dhibaateeya shacabka rakaabka ay ka sameeyeen wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Sida lagu soo warramay howlgalkan ayaa la sameeyey gelinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd, waxayna Ciidammadu ay si gaar ah uga fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Buur Hakaba oo ka kala tirsan gobollada Shabeelada Hoose iyo Bay.

Sidoo kale intii howlgalku uu socday waxey Ciidammada gacanta kusoo dhigeen ku dhowaad Toban ruux oo qaarkood ay ku labisnaayeen dareeska Ciidammada waxaana ayaga iyo hubkoodiiba loosoo qaaday Muqdisho si cadaalladda loo horgeeyo.

Saraakiishii hogaamineysay howlgalkan ayaa u sheegay Warbaahinta  Muqdisho in howlgalku uu yimid kadib markii ay shacabka iyo wadayaasha gaadiidka ee isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay ka keeneen cabasho, una soo gudbiyeen saraakiisha ayaga oo ka cabanaya dhac ay u geystaan kooxo ku labisan dareyska Ciidammada.

Saraakiishu waxey intaasi ku dareen in ragan burcada ah xiliga howlgalka lagu soo qabanayey ay kooxahaasi burcadda ah waxyar ka hor ay dhac ugu geysteen nawaaxiga deegaanka Leego gaari rakaab ah oo ka tagay Muqdisho kunasii jeeday magaalada Baydhabo balse markii dambe dadkii rakaabka ahaa ay usoo celiyeen hantidii laga dhacay.

Dhanka kale Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fariisin ka sameystay goobta ay kooxaha burcadda ah inta badan ku dhibaateyn jireen dadka rakaabka ah ayadoo talaabaadisana looga gol leeyahay sugidda Ammaanka wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Si kasta ha ahaatee howlgalladan ayaa waxay qeyb ka yihiin howlgallo ay mudooyinkan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku baacsanayeen kooxo burcad ah oo wadooyinka ku dhibaateeya dadka rakaabka ah waxaana talaabadan hadii ay sii socoto ay suurtagelineysaa in gebi ahaanba la ciribtiro kooxaha burcadda ah ee dareyska Ciidammada wax ku dhibaateeya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: