Ciidamada maamul goboleedka Puntland oo gacanta ku soo dhigay Markab Shamiito ku daadinayay xeebta Boosaaso.

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen meel waxyar ka durugsan dekedda magaalada Boosaaso, waxayna gacanta kusoo dhigeen markab laga leeeyahay dalka waqooyiga Kuuriya oo la sheegay inuu shamiito ku daadinayay meel ku dhow xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Markabkan oo ay saaran tahay shixnad Shamiinto ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, sidaas waxaa shaaca ka qaaday  Taliyaha ciidamada badda Puntland oo shalay warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Boosaaso oo lagu soo xiray markabka.

Taliyaha ciidamada ilaalada badaha Maamul Goboleedka Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay in markabkan laga soo qabtay deegaanka Buruc iyo Bacaad oo 20-km Bariga kaga beegan magaalada Boosaaso, xilli uu badda ku daadinayey Sibir aad u tira badan.

Sidoo kale Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in Shimeentadan laga keenay dalka Imaaaraatka ay soo diideen ganacsatadii loo wadey oo ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in uu yahay mid qoyan tayadiisuna ay aad u xun tahay.

Shaqaalaha markabkan oo ay tiradoodu gaarayso 33 qof ayaa si dhab ah loo ogeyn sababta ku kaliftay in ay badda ku shubaan Shimeentada.

Sida la rumeysan yahay in Badda dalka Soomaaliya ay sanad walba lagu qubo qashin aad u tira badan, arintaas oo khatar weyn ku ah noolaha badda iyo guud ahaan Caafimaadka dadka  Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: