Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta xilalkooda kala wareegaya Wasiiradii hore.

Golaha cusub ee wasiirada xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa maanta bilaabay in ay la wareegaan xilalkooda, xilli maalinimadii shalay ay yeesheen golihii hore ee wasiirada iyo kuwa cusub kulan looga hadlayay sidii ay shaqada ula wareegi lahaayeen, isla marakana loo dardar gelin lahaa howlaha xukuumadda cusub.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ayaa ka socda maanta qabanqaabada munaasabado ay xubnaha golaha wasiirrada cusub ay xilalkooda ugala wareegayaan wasiiradii hore.

Hase ahaatee Wasiiradka maanta xilalkooda la wareegaya ayaa la sheegay inay  ka mid ah, wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/llaahi Ciilmoge Xirsi, wasiirka Gaashaandhigga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi, iyo wasiirro kale.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: