Shirkii Ururka Islaamka oo lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti.

Shirkii wadamadda iskaashiga Islaamka uga soconayay caasimada dalka Jabuuti ayaa lasoo gaba-gaboobay, kaasi oo ay isugu yimaadeen Wasiirada arimaha dibada ee dalaka ku bahoobay ururkaasi, isla markaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Sida uu ahaa Ajendaha Shirkaas, waxaa looga hadlayay arimo badan oo dunida muslimka ka taagan oo ay ugu horeeyaan arrimaha Soomaaliya, Sudan, Syria iyo xaalada Falastiin gaar ahaan marinka Gaza waxyaabaha ka taagan iyo duqeymaha ay Israel ku hayso dalalka Islaamka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka Marwo Foosiyo Xaaji Yuusuf Aadan oo ay uga qayb gashay Soomaaliya ayaa u sheegtay saxaafadda in shirka looga hadlayay intiisa badan Soomaaliya,Madaxdii halkaas ka hadashayna ay caddeeyeen in dowladda Cusub Soomaaliya ay garab istaagi doonan.

SomaliSwiss   Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: