Dhuxushii tiilay dekada magaalada Kismaayo oo la waayey meesha ay ka baxday iyo Dowlada Kenya oo sheegtay in aysan kawar heynin.

Dhuxushii tiilay dekeda magaalada Kismaayo oo ay ciidamada Kenya kala wareegeen ururka Al-Shabaab, xanibaadana lagu soo rogay ayaa la sheegay in haatan gabi ahaamba la waayey meesha ay ka baxday, waxaana warar hoose ay sheegayaan in loo qaaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo la doonayo in halkaasi looga sii gudbiyo magaalada  Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Tani ayaa caddeynayso in dowlada Kenya ay la safatay mid kamid ah qabiilada Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubooyinka oo ah beesha Ogaadeen oo ay kasoo jeedaan gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, iyo wasiirka gaashaandhiga ee Kenya Yuusuf Xaaji ayaa weji gabax siyaasadeed oo xoog leh kala kulantay arintaan foosha xun ee ay ku dhaqaaqday oo horseedi karta in AU ay ku amarto in ay Kenya ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dhuxusha tiilay dekeda magaalada Kismaayo ayaa lagu qiimeeyay lacag dhan dhowr iyo 20 milyan oo dollar, waxaana arrinta dhuxusha haatan magaalada Nairobi ee dalka Kenya u jooga taliyaha guud ee ciidamada Uganda Chief of Devence force general Aronda Nyakairima oo doonaya in ay cadeyn buuxda ka bixiso halkii ay ku dambeysay dhuxushii tiilay dekeda magaalada Kismaayo oo hore loo joojiyay in la dhoofiyo.

Dhanka kale arrinta dhuxusha ayaa loo maleeyaa in dowlada Kenya ay ku keento culeys siyaasadeed oo aad u weyn maadaama hore loogu amray in ay joojiso dhoofinteeda waxaana suura gal ah in kulan deg deg ah ay arrintan ka yeeshaan dalalka Igad iyo waliba gudiga Amniga ee Midowga Africa AU, waxaana la filayaa in arrinta dhuxusha ay saameyn xoog leh ku yeelato xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

SomaliSwiss   Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: