Xiriiriyaha QM ee gargaarka bani’aadamnimo Soomaaliya oo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaageyso, balse ay weli adag tahay.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya Mark Bowden oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

Mr. Bowden ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagayso sidii ay ahayd sannadkii hore, waqtigaas oo ay gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ku dhufatay abaaro ba’an oo sababay macluul, balse wuxuu sheegay in xaaladdu ay weli tahay mid adag.

Bowden oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Qiyaastii 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ayaa weli u baahan gargaar aadane oo deg-deg ah, haddii aan xaaladaha bani’aadamnimo ee taagan si deg-deg ah wax looga qaban waa imaan karta in 1.2 milyan qof oo dheeraad ah ay lasoo daristo xaalad nololeed,” wuxuuna sheegay in haddii ay macluushu ka baxday Soomaaliya aan loo qaadan karin in xaaladdu ay wanaagsan tahay.

Sidoo kale Xiriiriyuhu wuxuu ku sheegay in sannadka horraantiisii ay beeraleyda Soomaalidu gurteen mirihii ay beerteen, sidoo kalena ay xaaladda bani’aadamnimo hoos u dhigtay kaddib markii gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyay meelo fog-fog oo aysan horay u gaari jirin, inkastoo dhibaato xooggan laga maray gaarsiinta gargaarka.

Dhanka kale, Bowden wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay ka jiraan xaaladaha bani’aadamnimo, wuxuuna xusay in goobihii ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ay u suuro-gashay hay’adaha samafalku inay ka howlgalaan.

Sida uu sheegay Dalalka Turkiga iyo Carabta ayuu ku ammaanay inay gacan weyn ka geysteen sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xaalado daga oo soo maray sannadkii hore, wuxuuna xusay in dalalka ay qayb ka noqdeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladihii adkaa ee dhinaca bani’aadamnimada.

Mr. Bowden oo Wadamada caalanka la hadlayey wuxuu Yiri: “Waxaan dalalka caalamka ugu baaqaynaa in la dhameystiro howshii lasoo billaabay xilligii ay macluushu ku dhufatay, waxaa loo baahan yahay 1.16 bilyan oo doollar si howsha gargaarku ay u sii socoto, balse waxaan hadda haynaa kala bar lacagtaas.”

Si kasta ha ahaatee Qaramada Midoobay ayaa bishii July ee sannadkii hore ku dhawaaqday in gobollo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ay macluuli ka dillaacday, kuwaasoo ay ka mid ahayd gobolka Shabeellada hoose, taasoo keentay in dalalka Turkiga, Iiraan iyo Carabtu ay u soo gurmadaan Soomaaliya.

SomaliSwiss      New York
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: