Qaar kamid ah hay’adihii gargaarka oo dib uga shaqa bilaabay gudaha magaalada Kismaayo .

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Kismaayo ay dib uga bilowdeen howlgaladii ay  hey’adihii gargaarka ka wadeen, kuwaas oo ay horey uga mamnuuceen Malleeshiyaadkii Al-Shabaab ee gacanta ku hayay deegaanadaasi.

Hey’adaha dib uga howlbillaabay magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah hey’adda Bisha Cas oo iyadu isugu yeertay shaqaaleheedii isla markaana si buuxda halkaasi uga bilaawday gargaarkii ay u fidinjirtay caruurta iyo haweenka la ildaran nafaqa darrida.

Waxaa kaloo jira hey’ado kale oo dib uga howlgalaya magaalada Kismaayo kadib markii meesha laga saaray malleeshiyaadkii Shabaab ee iyagu hore ugu diiday hey’adahaasi in ay gargaaraan dadka tabaaleysan.

Sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa dib ugu soo laabtay adeegyadii bulshada wixii ka dambeeyay markii laga xoreeyay malleeshiyaadka Shabaab, waxayna bulshada ku nool magaaladaasi billaabeen in ay sare u qaadaan ganacsigooda maadaama ay heleen xorriyad buuxda, iyadoo dhinaca kalena dib loo howlgeliyay xarumihii caafimaadka ee magaaladaasi.

Dhanka kale Saacadihii la soo dhaafayna waxaa ka da’äy Roobab lixaad leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, sida la sheegay Raxmada Roobkaas waxay ka da’een deegaanno miyi ah oo magaalada Kismaayo kaga beegan waqooyi.

SomaliSwiss    Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: