Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo la sheegay inuu ka helay dalka Uganda deggenaasho Rasmi ah.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimcaha ahayd ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaas oo ay ka heleen degenaasho rasmi ah.

Madaxweyne Shariif Sheekh ayaa isaga iyo qoysaskiisa oo laba ah ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, tan iyo intii looga guuleystay doorashadii tartanka Madaxweyninimada ee ka dhacday Muqdisho, balse haatan deggenaasho ka heleen dalka Uganda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoysaskiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sii sagootiyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dad ay aad isugu dhow yihiin, waxaana ka raaceen garoonka diyaaradaha laba diyaaradood oo gaar ah.

Sida runta ah Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xilka madaxnimo si nabad ah ugu wareejiyay 10-kii bishii September ee sannadkan, kaddib markii uu doorashada uga adkaaday madaxweynaha xilligan; Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa in ka badan 20 murashax oo xilka madaxnimo ee dalka kula tartamayay Shariif Sheekh.

Sidoo kale, warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu aadi doono jaamacad ku taalla magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka jeedin doono khubad ku saabsan sidii uu hoggaanka ku qabtay iyo sidii uu xilka uga dagay.

Dhanka kale Jaamacadda Boston ayaa waxay caadi u tahay inay had iyo jeer marti-qaado inay khudbado ka jeediyaan Madaxweynayaasha oo xilalka si dimuqraadiyad ah ku wareejiyay kaddib markii laga adkaaday, iyadoo Madaxweyne Shariif uu noqonayo Madaxweynihii toddobaad ee khudbad ka jeediya jaamacaddaas.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynihii hore ayaan la hadlin saxaafadda markii uu Muqdisho ka dhoofayay, hase yeeshee waxaan la ogeyn xilliga uu dib ugu soo laabanayo dalka.

SomaliSwiss       Muqsisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: