Golaha wasiirrada Cusub ee Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiiradii hore

Golaha wasiirrada Cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula yeeshay wasiirradii hore ee dowladda KMG aheyd, kaasi oo ku saabsanaa sidii loo ballaaran lahaa wada shaqeynta Xukuumadda Cusub iyo midii hore, isla amrkaana loogu mahadcelin lahaa Xukuumaddii hore.

Sida lagu soo warramay Kulankan oo ay wada qaateen golaha wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golahii wasiirrada Xukuumadda KMG aheyd ee dalka ka soo howlgashay ayaa ka dhacay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Kadib markii uu soo gabagaboobay kulankaas ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Ciil Mooge iyo wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn.

Mudane C/qaadir Jahweyn wasiirka hore ee wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in u jeedka kulankan uu ahaa isbarashada wasiirrada cusub iyo kuwii hore, wuxuuna intaasi uu raaciyay in Wasiirada labada dhinac ay warbixino isa siiyaan, kadibna ay isku wareejiyaan Xilalka Ummadda loo hayo.

Mudane C/llaahi Ciil Mooge Xirsi oo ah wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in kulanka maanta loogu mahadceliyay Xukuumaddii dalka ka soo shaqeysay mudadii KMG lagu jiray, isla markaana looga codsanayay wasiirradii hore in ay wada shaqeyn joogto ah la yeeshaan masuuliyiinta cusub ee Xukuumadda, ayna ku dadaallaan in si cad uga soo baxaan masuuliyadda ay umaddooda u qaadeen.

Kulanka maanta ay ku yeesheen wasiirrada cusub iyo kuwii hore ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka turjumaya hannaanka dimoqoraadiyadda ah ee ka hana-qaaday dalka Soomaaliya, taasi oo muujniseysa wada shaqeynta masuuliyiinta dalka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: