Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo beeniyay war lagu faafiyay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hadal been abuur ah ku tilmaamay war lagu qoray wakaalada wararka ee Reuters, maalin kadib markii shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada uu kaga hadlay arrimaha Kismaayo iyo dhoofinta dhuxusha. WAR-SAXAAFADEED

War saxaafadeed ku qornaa Afka English-ka oo laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu aanu ogolaan in la dhoofiyo dhuxusha taala dekeda magaalada Kismaayo, kadib markii Reuters ay si qaldan u fasirtay warkii ka soo baxay Madaxweynaha oo ay ku sheegeen in uu ogolaaday in ladhoofiyo dhuxushaasi.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha ayidsan yahay mowqifka dowladda Soomaaliya iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha, waxaana lagu sheegay qoraalka in aanay jirin wax iska bedelay mowqifka Madaxweynaha ee ku saabsan arrinta dhoofinta dhuxusha.

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu aad isugu dayeyso in ay xal ka gaarto arrinta aadka xasaasiga u ah ee la xiriirta dhuxusha, xalkaas oo ka hortagaya xaalufinta deegaanka, raadinayana sidii meesha looga saari lahaa dhuxusha haatan taalla” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda aysan raali ka aheyn in la jaro dhirta iyo in la xaalufiyo deegaanka, waxaana warka ka soo baxay Madaxtooyada lagu tilmaamay mas’uuliyad daro warka ay sii deysay Reuters ee ahaa inay si qaldan u fasirtay shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu uga hadlay dhuxusha taal Kismaayo.

Shirka jaraa’id ee Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dhuxusha diyaarsan ee taala Kismaayo aan dhirteeda hore loogu celin karin, isla markaana ganacsatada maal badan ka galay, ayna dowladda xal ka gaari doonto, waxaana uu xusay in mar dambe aan la jari doonin dhir.

“Dowladdu waxay doonaysaa inay go’aan ka gaarto dhuxusha taalla Kismaayo oo ay ganacsato Soomaaliyeed xoog iyo maal badan ka galay, go’aankeennuna waa xal laga gaarayo dhuxusha iyo inaan dib dambe loo jarin dhirteenna” ayuu ku yiri Madaxweynaha shirkiisa jaraa’id ee maalin ka hor ku qabtay Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa dhowaan u magacaabay gudi ka soo tala bixiyo arrimaha dhuxusha taal Kismaayo, inkastoo gudigaas laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa caqabadaha siyaasadeed ee dowladdiisa hortaala ay tahay arrinta Kismaayo iyo maleeshiyaadka Raaskambooni ee ay wataan dowladda Kenya sidii ay xal uga gaari lahaayeen, iyadoo maamul u sameynta Jubooyinkana ay tahay mid ay u diyaarinayaan dadka deegaanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: