Ban Ki-Moon oo ku Tilmaamay Dhaarinta Golaha Wasiirrada Soomaaliya Tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa soo dhaweeyay dhaarinta inta badan xubnaha golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) isagoo ku tilmaamay dhaarinta wasiirrada tallaabo kale oo horay loo qaaday.

Ban Ki-Moon oo  warsaxaafadeed ka soo saaray maanta oo Jimco ah dhaarinta Golaha Wasiirada wuxuu yiri: “Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo horay loo qaaday, waxayna xaqiijinaysaa dadaalka ay madaxda cusub ee Soomaaliya ku doonayaan inay isbedel uga sameeyaan Soomaaliya,”

Sidoo kale waxaa horraantii toddobaadkan ayuu wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya, Dr. Agusutine Phillip Mahiga wuxuu maalmo ka hor soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay ansixinta mid taariikhi ah.

Dhanka kale Danjire Mahiga oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ugu hambalyeeyay madaxda Soomaalida dadaalka badan ee ay ku bixiyeen sidii ay u soo magacaabi lahaayeen gole wasiirro oo ay kasoo xusheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya, isagoo xukuumadda u rajeeyay inay noqoto mid howlo wanaagsan la timaadda.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Ban Ki-Moon ayaa lagu yiri: “Xoghayaha guud ee UN-ka iyo wakiilkiisa arrimaha Soomaaliya waxay sugayaa inay madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ay fuliyaan lixdii qodob ee horay uu ugu dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheikh, kuwaasoo dalka ku hoggaaminaya in si dimuqraadiyad ah la isku soo doorto kaddib afarta sano ee soo socota.”

Si kasta ha ahaatee waxaa warbixinta lagu sheegay in dhammaan tallaabooyinka ay ka midka yihiin ansixinta iyo dhaarinta golaha wasiirrada ay Soomaaliya u horseedayaan horumar, nabadgalyo, dhaqaalaha oo dib loo nooleeyo, dhismaha nabadda, midnimo iyo xoojinta xiriirka caalamka.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: