MAXAMED DHEERE OO KU GEERIYOODAY MUQDISHO.

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUC

Marxuumkan ayaa u geeriyooday xanuun waayadan hayay dambe hayay, sida ay sheegeen qaar kamid ah ehaladiisa, waxaana uu ku geeriyooday isbitaal uu jiifay oo ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada Amisom.

Waxaa lagu xasuustaa inuu xilal kala duwan kasoo qabtay gudaha dalka, gaar waxaa uu noqday gudoomiyihii Sh. Dhexe, sidoo kale waxaa uu soo ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso gudaha magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeyb gali doona masuuliyiin katirsan dowlada, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kale ee bulshada.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: