Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ugu baaqay in ay dadkooda ka mid noqdaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo wareysi gaar ah siiyeyWarbaahinta Muqdisho ayaa tilmaamay in muhiimadda koobaad uu siin doono bixinta Mushaaraadka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dib u dhiskooda.

Ugu horeyntii Wasiirka wuxuu mahad celin u jeedinayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu uga mahad celiyey sida kalsoonida leh ee ay codkooda u siiyeen Xukuumadda uu soo dhisay Ra’isulwasaare Saacid waxaana uu dhanka kale Mudane Fiqi u mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu sheegay inuu jiri doono isbedel xoog leh iyo istiraatiijiyad cusub oo ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Gaashaandhigga waxaana uu intaa ku daray in istiraatiijiyadaasi la doonayo iney la jaanqaado isbedelka dalka ka jira isagoo carabka ku adkeeyey in muhiimadda koobaad ee isbedelkaasi ay tahay sidii ay Ciidammada ku heli lahaayeen mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin, taakuleyn joogto ah iyo dib u dhis lexaad leh.

Wasiirku wuxuu caddeeyey in uu muhiimad siin doono goobaha ay ku dhuumanayaan firxadka Maleeshiyada Al-Qaeda sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan taasoo loogu gunleeyahay sidii  ammaanka loo soo celin lahaa si ay shacbiga Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xoriyad buuxda waxaanna dhab ah in aan ka adkaan doonno haddii aan iskaashanno anaga iyo shacbiga Soomaaliyeed’ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhanka Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa fariin u diray Maleeshiyaadka u adeegaya argigixisada Al-Shabaab oo uu ugu baaqay iney dadkooda ka mid noqdaan oo ay kasoo tagaan argigixisada dhibaateyneysa shacbiga Soomaaliyeed, kuwa la qalday ee u adeegaya Al-Qaedana la doonayo iney ka faa’ideystaan fursada la siiyey ee cafiska waxaana uu intaa ku daray hadii aysan baaqaasi u hogaansamin inaan gacmaha laga laaban doonin oo howlgalladaasi lagu baabi’in doono..

Wuxuu kaloo uu Wasiirku faah faahin ka bixiyey qorshaha dib u dhiska Ciidammada ee u qorsheysan wuxuuna sheegay in dib u dhiska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed yahay muhiimadaha ugu horeeyo sidaasi darteedna la xoojin doono tababarrada Ciidammada ayadoo taasina ay barbar socoto tayeyn iyo qalabeyn ballaaran.

Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiriri: “Ciidan xuquuq aan laheyn oo aanan heysan mushaar rasmi ah wey adkaan doontaa iney noqdaan ciidan dishibiliin leh marka sidaasi darted waxey dowladdu muhiimad siin doontaa in ciidammadu ay helaan mushaaraadkooda welibo ay u helaan si joogto ah oo bil walba aan bixinno, taasina waxaa barbar socon doona iney helaan taakuleyntooda sida daryeel caafimaad oo joogto ah”.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: