Wafuud ka socotay Turkiga Iyo Iran oo maanta Booqanaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Wafdi ka socda dowladaha Iraan Iyo Turkiga ayaa Saakay barqadii ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda dowladaha Turkiga iyo Iraan ayaa waxaa kala hoggaaminayay wasiirada arrimaha dibada dalalka Turkiga iyo Iraan.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Turkiga Daa’uud Oglo iyo xubnihii la socday ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sidoo kale wafdiga ka socday dowladda Iraan oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi Murasheer Mutaki ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qeyb xubno ka tirsan dowladda.

Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale daqiiqado kadib waxaa ka soo degay garoonka Aadan Cadde wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha dibadda ee dowlada Iiraan Cali Akbar Saalixi oo ka soo duulay magaalada Jubba ee dalka koonfurta Sudan.

Dhinaca kale wufuudan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, lamana sheegin ujeedada socdaalkooda, hase ahaatee waxaa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin madaxda sare ee dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: