Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo maanta Muqdisho ku qaabilay Wafdi Ka Socday Dalka Shiinaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaralka Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka Shiinaha oo uu hoggaaminayay madaxa shirkadaha dhismaha u qaabilsan arrimaha dibada qeybta Africa.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay wafdiga ka socday dowladda Shiinaha ayaa waxaa looga hadlay sidii ay dowladda Shiinaha uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha dalka, Caafimaadka, Duulimaadka iyo dib u soo celinta kaabeyaasha dhaqaale.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxa dhismaha dowladda Shiinaha u qaabilsan dhinaca Afrika iyo la taliyaha shirkadaas.

Sida uu sheegay Madaxa shirkadaha dhismaha u qaabilsan qeybta Africa Mr Lee Woo in kulankooda uu ahaa mid muhiim ah, kaas oo looga hadlay sidii ay dowladda Shiinaha uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo hormarka dalka Soomaaliya.

sidoo kale la taliyaha shirkada dhismaha dalka China ee qeybta Africa oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka caawin doonaan taageero dhan walba ah. “waxaan ku talo jirnaa inaan Soomaaliya keeno illaa iyo 49 shirkadood kuwaas oo howlo ka duwan ka fulin doona gudaha dalka Soomaaliya” sidaana waxaa yiri madaxa shirkaddahaan ee Shiinaha.

Wufuudda dowladaha shisheeye ee ku soo qulqulaya dalka Soomaaliya ayaa waxay caddaynaysaa in caalamka  uu u soo jeestay sidii Soomaaliya loogu caawini lahaa burburkii dagaalka ahliga ee ka jiray muddadii 22ka Sano ahayd, waxayna tani qayb ka tahay tallaabada ay dalka shiinuhu ku doonayaan inuu kaga qayb qaato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: