GOLAHA WASIIRADA CUSUB OO LA ANSIXIYAY.

Munadeyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida siiyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Ra’isal Wasaare Saacid. HOOS KA DAAWO SAWIRADA OO BADAN

Kulankii uu maanta yeeshay golaha Baarlamanka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray 225 mudane, waxaana kulanka lagu ansaxiyay golaha wasiirrada Soomaaliya.

Ansixinta gilaha wasiirada cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, R/wasaaraha iyo golaha wasiirrada.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay natiijada waxaa uuna sheegay in 219 ay codka kolsoonida siiyeen, isla markaana ay 3 mudane ka aamusatay halka 3 kale ay diiday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: