Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay ka walaacsan tahay Dhaq dhaqaaqyada Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Wargeys ka soo baxa wadanka Maraykanka oo lagu magacabo The Moral Liberal ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibada Mareykanka ay ka walaacsan tahay dhaqdhaqaaqa faraca Al-qaacida ee wadanka Soomaaliya.

Wargeska oo soo xiganaya qareeno dhanka la talinta siyasada ayaa sheegay in ay jiraan qatarta dagaal yahanada Al-shabab dibada kaga yimid kuwaasi oo weli dhaqdhaqaaqyo ka wada goobo fara ku tiris ah ay weli maamulayaan xarakada Al-Shabaab.

Cajalad Vidio ah uu bishaani soo diray hogaamiyaha Al-qaeda Ayman Al-zawahiri ayaa ugu baqay Al-shabab in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan dawlada Soomaaliya iyo ciidamada Amisom.

Wasarada arimaha dibada Maraykanka oo warkaasi warsafaxadeed ka soo saartay ayaa ku shegtay in ay jiraan wali dareen ku aadan in Al-qaeda faraceeda Soomaaliya ay qatar ku yihiin amaanka wadanka Soomaaliya.

Wargeska waxa uu soo xiganaya Mayk Barker oo ah qareen iyo la taliye dhanka siyaasada Maraykanka oo sheegay in Al-shabab oo laga saaaray magaaloyin dhawr ah oo ay dalka Soomaaliya ka maamulayeen ay jirto qatarta weli aan in dhaha laga daboolin Karin ee Al-shabab ku leyihiin amaanka wadanka Soomaaliya.

Mas’uulkasi waxa uu shaaca ka qaaday in ay dhici karto in hogaamiyasha Al-shabab aysan helin fariin uu madaxweynaha Maraykanka u diray hogaamiyasha al-shabab.

Maamulka obama ayaa lacago farabadan dul dhigay saraakisha ugu sareysa Al-shabab cidii gacanta kusoo dhigta.

Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxa ka bar bar dagalamaya dagaalyaho dibada uga yimid kuwaasi oo kusugan deeganada ay al-shabab kaga sugan yihiin Somalia.

SomaliSwiss   Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: