Marwada Madaxweynaha Jabuuti oo deeq lacageed gaarsiisay Haweeney Mataano ku umushay Muqdisho.

Khadra Maxamud Xeyd, Marwada Madaxweynaha Jabuuti  ayaa deeq lacageed u dirtay Hooyo Soomaaliyeed oo dhowaan 4 ilmo Mataano ahaa ugu dhasheen Magaalada Muqdisho, iyadoo u sii marisay Ambassador Dayib Dubad Rooble oo ah Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya oo maanta deeq daas lacageed gaarsiisay haweeneyda ay Mataanahaasi ugu dhasheen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale deeqdan lacageed oo gaareysay 5000 {Shan kun} oo Dollar ee lagu wareejiyay Xaliimo Maxamed Cabdi ayaa waxaa soo dhiibtay marwada Koowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamed Xeyd ayadoo deeqda u soo wakiilatay safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya.

 Xarunta safaaradda Jabuuti ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad kooban oo deeqda lacageed loogu wareejinayay Hooyo Xaliimo ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ambassador Dayib Dubad Rooble waxa uuna sheegay in marwa Khadra ay ka damqatay dhibaatada haaysato hooyada Soomaliyeed.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka reer Jabuuti ay had iyo jeer garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Dhanka kale Hooyo Xaliimo Maxamed ayaa ka mahad celisay deeqda la gaarsiiyay waxayna tibaaxday in ay aad ugu faraxsan tahay in la guddoonsiiyo lacagtan.

Sida horey loo sheegay hooyada dhashay afarta carruur oo midkood uu ka saqiiray ayaa waxey ka mid tahay qoysaska barakacayaasha ah ee ka soo barakacay abaarihii ku dhuftay gobollada dhexe ee dalka waxaana haatan nolosha hooyadan ay tahay mid ka soo raayneyso.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: