Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo oo Xalay lagu Weeraray Madaafiic Culus.

Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in Xalay lagu Weeraray Madaafiic Culus, weerarkaas oo ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Sida Lagu soo warramay weerarkii xalay  ay ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi,waxaana hal mar laga wada maqlay Magaalada Kismaayo daryanka Madaafiicda Culus iyo dhawaqa rasaasta ka dhacda boobayaasha culus..

Sidoo ka waxaa la sheegay in rasaastii xalay labada dhinac isweydaaranaayeen ayaa waxay ahayd mid argagax ku riday dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo, waxayna Maleeshiyaadka Al-Shabaab weerarkooda xoogga ku saareen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, waxaya ku rideen tiro madaafiicda garbaha laga rido.

Balse lama oga ilaa iyo hada khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxayna Al-Shabaabka ku sugan yihiin deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo, waxayna ku dhaateen inaysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Si kasta ha ahaatee weerarkii xalay ayaa ku soo aadaya xilli ay magaaladaasi ku sugan yihiin Guddi farsamo oo ka socdo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, waxayna dadka magaaldaasi degan ka cabsi qabaan in weerardu sii balaartaan.

SomaliSwiss    Kismaayo      

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: