Bannaanbax looga soo horjeeday hadal ka soo yeeay horjoogaha Al-qaa’idda oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday hadal ka soo yeeray horjoogaha Al-qaacidda Eyman Aldawaahiri, kaas oo Malleeshiyaadka Al-Shabaab ugu baaqay in ay sii wadaan dagaallada fidnada ah ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale bannaanbaxan oo ka dhacay xarunta degmada Wartanabadda ee G/Banaadir ayna ka soo qabanqaabiyeen hey’adda CCD iyo maamulka degmada Wartanabadda, ayaa waxaa ka soo qeygalay mas’uuliyiin ka socatay dowladda, kuwa ururrada bulshada, Culumaa’udiin ka tirsan Ahlusunna, iyo dadweyne aad u farabadan.

Dadweyniihii dibadbaxayey ayaa lasheegay inay wateen boorar ay qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah falalka argagixisada iyo baaqii horjoogaha ugu sarreeya Alqaa’idda Eyman Aldawaahiri ee ku aaddana in argagixisada Shabaab ay sii kordhiyaan dhibaatada ay ka wadaan dalkeenna, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay sugaan ka tarjumeysa qiimaha ay nabaddu leedahay.

Goobta ay isugu yimaadeen bannaanbaxayaasha ayaa waxaa khudbad ka jeedisay guddoomiyaha degmada Wartanabadda Marwo Deeqo C/qaadir Axmed oo tilmaantay in dhibaatooyin farabadan ay dadkeenna u geeysteen argagixisadu isla markaana aan loo dulqaadan Karin dhibaato ka badan tii hore, iyagoo cabmaareeysay haldalka horjoogaha Alqaacidda.

Afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/qaadir Soomoow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay Diinta islaamka uga soo horjeeddo falalka argagixisada, isagoo ugu baaqay in ay ka soo haraan hawadooda una soo laabtaan Diinta Islaamka oo ah Diin Nabadeed.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka G/Banaadir Warsame Maxamed Xasan oo shacabka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sugidda ammaanka isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isagoo si caro leh ugu celceliyay in aan la qaadan Karin hadalka ka soo yeeray argagixisada Alqaacidda.

Sida la wada ogsoon yahay Bannaanbaxan ayaa imaamaya iyadoo horjoogaha Alqaacidda uu dhawaan argagixisada Shabaab ugu baaqay in ay sii kordhiyaan dhibatada ay ka wadaan dalkeenna, xilli xusuusta ummadda Soomaaliyeed ay go’la’dahay dhibaatooyinki xanuunka badnaa ee dadqalata Shabaabku ugeeysteen Shacabkeenna.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: