Ammaanka magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu is bedel weyn ka muuqdo, kadib markii howlgallada joogtada ah ay ka sameeyeen Ciidamada Amniga.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray howlgallo ay maalmahan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, ayadoo dhanka kalena uu Talisku ballan qaaday in guud ahaanba Caasimadda laga sifeeyn doono haraadiga kooxda Al-Shabaab.

Generaal C/llaahi Xasan Bariise oo ah Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo wareeysi siiyay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan howlgalladii maalmahan ka socday Muqdisho, isagoo intaa ku daray in natiijo wax ku ool ah laga gaaray howlgalkaasi, wuxuuna xusay in howlgalkaasi uu yahay mid joogta ah oo aan kala go’ laheyn.

Sidoo kale General Bariise oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabqabtay kooxo ka tirsana Shabaab, kuwaas oo qaar ka mid ah la yaqaan halka kuwo kalena uu ku soco baaritaan lagu ogaanayo waxa ay yihiin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in taasi ay keentay in uu soo hagaago ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Taliye Bariise ayaa wuxuu ballan qaaday in ciidamada booliisku ay sii wadidoonaan howlgallada noocaan oo kale ah, si loo xaqiijiyo ammaanka magaalada, wuxuuna ka codsaday ummadda Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sugidda ammaanka oo ay la shaqeeyaan ciidamada booliiska si meesha looga saaro kooxaha carqaladeynaya ammaanka.

Hase ahaatee howlgalkan ayaa loo arkaa in uu yahay mid wax weyn ka bedelay Ammaanka magaalada Muqdisho, kadib markii la soo qabqabtay dhagarqabayaal ka tirsanaa malleeshiyaadka dadqalatada ah ee shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleesanayay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: