Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumadiisa ay xooga saareyso sugida Ammaanka & dib xoreynta dalka.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay muhiimadda saari doonto sugidda ammaanka iyo dib u xoreynta dalka, wuxuuna intaas ku daray inay ka go’an tahay in dhammaan howlaha horyaalla ay ku dhameystiraan muddada ay haystaan.

Mudane Saacid ayaa u sheegay Warbaahinta Muqdisho in Xukuumadda uu hoggaaminayo ay ka go’an tahay inay shacabku Soomaaliyeed ay gaarsiiyaan in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

Sidoo kale, Mudane Saacid ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto in dhaqaalaha dalka dib loo soo nooleeyo dib u dhis buuxdana laguna sameeyo dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka rajeeyey inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkooda.

Dhanka kale, Mudane Saacid wuxuu ka hadlayey xiriirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale u ka dhexeeya wuxuu sheegay inay hagaajin doonaan xiriirka dalalka dunida kula dhaqmi doonaan wanaag iyo sharaf, balse wuxuu Caddeeyey  inaysan ka ogolaan doonin in faragelin lagu sameeyo arrimaha Gudaha ee gaarka u ah Ummadda Soomaaliyeed.

Caddeynta uu dhiibay Ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in la horgeeyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado, balse ay jireen dibadbaxyo iyo Barnaamijyo lagu  taageerayo guud ahaan Dowladda, looguna codsanaya Xildhibaanada Barlamaanka inay kasloonida siiyaan xukuumadda cusub.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: