Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo Xildhibaanada ka codsaday in ay ka gaabsadaan ka hadalka Idaacadaha, maadaama ay dhalin karto xiisad siyaasadeed.

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaa ayna ka doodeen nuqulo kamid ah Xeer-hoosaadka Baarlamanka oo ay maalmihii la soo dhaafay ka doodayeen.

Fadhiga oo ahaa Kalfadhigiisa 21-aad  ayaa waxay maanta uga doodeen Nuqulka 6-aad ee Xeer-hoosaadka Barlamaanka oo Todobaadyadan oo idil ay ka lahaayeen dood dheer oo ku aadan sidii ay sixid ugu sameyn lahaayeen, waxaana kulankii maanta guddoominayay mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa qodob qodob uga doodday dhammaan qeybaha uu ka koobnaa Cutubta 6-aad ee Xeer-hoosaadka, waxaana si aad ah ugu iftiiminayeen dooddooda, sidii ay uga saxi ahaanyeen waxyaabaha uu xeer-hoosaadkan u keeni kara mugdi ama khilaaf.

Dhanka kale Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo xeritaankii fadhiga hadal ka jeediyey ayaa wuxuu Xildhibaanada ka codsaday in ay ka gaabsadaan ka hadalka Idaacadaha, taasi oo dhalin karta xiisad siyaasadeed, isla markaana aysan ka hor dhicin Barnaamij siyaasadeed oo aysan Xukuumaddu weli Barlamaanka u soo gudbin.

Sida horey loo shaaciyey doodda Xeer-hoosaadka ayaa sii socon doonta ilaa dhammaadka sannadkan, waxaa jiri doona dhextaallo sida soo gudbinta Barnaamijka siyaasadeed Xukuumadda iyo u qaadista Codka kalsoonida ee la rajeynayo in dhawaan la soo gudbiyo Barlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: