Maamul u sameynta Gobollada Jubooyinka oo ay soo wajahday xaalad jahawareer ah & magaalada Kismaayo oo maanta ammaankeeda la adkeeyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa saaka xiray guud ahaan wadooyinka dhexmara degmada Kismaayo iyo kuwa ka baxa, waxaana Askar fara badan lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maanta la filaya inay yimaadaan magaaladaas  guddi farsamo oo ka socda shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee bilooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa dadka ku dhaqan Kismaayo lagu wargeliyay Saakey in aysan maanta la furi karin goobaha ganacsiga,waxaakaloo maanta xiran dugsiyada waxbarashada iyo isu socodkii gaadiidka ee gobollada dalka.

Qof  mas‘uul ka gaabsaday magaciisa oo katirsan dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni ayaa ayaa Warbaahinta u sheegay in la filayo in ay magaalada soo gaaraan guddi farsamo oo u gogol xaari doona shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee la filayo in Kismaayo loo soo wareejiyo.

Sida aad la socotaan waxaa mudooyinkan danbe ka socday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya shir loogu hadlayey maamul u sameynta  Gobollada Jubooyinka.

Shirka maamul usameynta gobollada Jubooyinka oo uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD ayaa loo arkayey fara geli, waayo waxaa qaabaa’ilka dega deegaankaas ay sheegeen inaysan raalli ka ahayn shirkii ka socday bilooyinkii u danbeeyay magaalada Nairobi,sidoo kale madax katirsan dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeesteen shirkan la filayo in maamul loogu sameeyo sedexda gobol ee kala ah Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

SomaliSwiss       Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: