Kulankii lagu doonayey in maanta Baarlamanka lagu horkeeno Xukuumada cusub oo la sheegay in uu dib u dhac ku yimid.

War Saaka barqadii naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  qoorshihii lagu doonayey in maanta lagu horkeeno Xukuumadda cusub Baarlamaanka Soomaaliya uu dib u dhacay, waxaana la ogeyn sababta keentay dib u dhacaas, mana la shaacinin xilliga xukuumadda la horgeyn doono Baarlamanka.

Sida ballantu ay maanta ahayd waxaa lagu waday in Xidhibaananda Baarlamaanka Soomaaliya ay kulankooda kaga doodi lahayeen xeer hoosaadka baarlamaanka oo maalimihii ugu dambeeyey ay howshaas ka doodayeen.

Waxaa saakay ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho Banaanbaxyo ay dadweynihii ka soo qaybgalay ku dalbanayeen in xukuumadda cusub la siiyo codka kalsoonida.

Si kasta ha ahaatee Xukuumaddan ayaa ah tii ugu tirada yarayd ee la dhiso muddo ka badan 40-san, waxaa ku jira laba wasiir oo haween ah oo loo dhiibay Xilal culus.

 SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: