Suxufiyiin lagu haystay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo dib loogu soo celiyay magalaada Muqdisho

Suxufiyiintii lagu haystay  garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa shalay gallinkii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Kadib markii loo diiday wafdigii ay la socdeen inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.

Faarax Cabdi Warsame oo ka mid aha Suxufiyiintii dib  uga  soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo diiday inay galaan magaalada Kismaayo oo ay howlo shaqo ugu socdeen, isagoo xusay in maareeyaha garoonka uu ku amray inaanay geli karin gudaha magaalada oo ay ku sugnaadaan garoonka.

Faarax Cabdi Warsame oo ka mid ah sawir-qaadayaasha wakaaladda wararka AP oo Warbaahinta la hadlayey wuxuu yiri: “Mudaddii aan xayirnayn oo gaaraysay 36 saacadood, waxaan ku sugnayn teendho yar oo garoonka ka dhex-dhisan, soo laabashadeennuna waxay ahayd mid dadaal badan loo galay.”

Wariyeyaashan ayaa waxay  tagayeen Kismaayo aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ahayd, iyagoo la socdey wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo maamulka Kismaayo iyo ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay u diideen inay gudaha u galaan magaaladaas.

Sidoo kale Suxufiyiintan ayaa  sheegay  in intii ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ay u jeedeen difaacyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ka sameysteen hareeraha garoonka, iyagoo ku tilmaamay halkaas goob ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Sida la wada ogsoon yahay Magaalada Kismaayo waxay gacan ugu jirtaa muddo bil ka badan ciidamada dowladda, kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni, waxaana ka taagan muran ku saabsan dhoofinta dhuxusha oo aysi weyn u diiddan tahay dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: