Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda warbaahinta Soomaalida, tifaftirayaal iyo wakiiladda warbaahinta Caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, wariyayaashii ku xayirnaa Garoonka Diyaaradahay ee magaalada Kismaayo oo shalay ku soo laabtay  magaalada Muqdisho, madaxda warbaahinta Soomaalida, tifaftirayaal iyo qaar ka mid ah wakiiladda warbaahinta Caalamiga ah.

Madaxweynahu wuxuu warbixin ku qotanta daruufaha iyo dhibaatooyinka heysta saxaafadda ka dhageystay tifaftirayaal iyo qaar ka mid ah madaxda warbaahinta .

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday in Dowladda Soomaaliya wax ka qaban doonto dhibaatooyinka heysta Saxaafadda Soomaaliyeed islamarkaana guddi u saari doonto wariyayaashii Sannadkaan lagu dilay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “ Aad ayaan uga xunnahay dilka wariyayaasha,Dowladdu waxay ku dadaali doontaa sidii dilalkaan looga hortagi lahaa, Wariye ayaa la dilay ama qof kale haddana laga gudbo ma’aha wax la qaadan karo , Dowladdu marka hore waxay baaritaan ku sameeyn doontaa wariyayaashii Sanadkan lagu dilay Soomaaliya ee gaaraya 18-ka Wariye, guddi ayaa loo saari doonaa (Task Force) sida ugu dhaqsaha badan”.

Dhanka kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in hey’adaha ammaanka gacan ku siiyaan sugidda amniga iyo sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka ka dambeeya dilalka saxaafadda isagoona ka codsaday beesha caalamka in hay’adaha ammaan gacan ku siiyaan sugidda Ammaanka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: