Ciidamo gaaraya ilaa 600 Askari oo katirsan xoogga dalka Soomaaliya oo tababar loogu xiray dagmada Xudur ee gobalka Bakool.

War Saakey naga soo gaaray degmada Xudur ee gobalka Bakool ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagmada Xudur tababar loogu soo xiray ciidan tiradoodu ay kor u dhaafeyso 600 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ah Guddoomiyaha gobolka Bakool oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in tababar loo soo xiray Lix Boqol askari oo ka tirsan ciidamada XDS kuwaas oo muddo Lix bilood ah tababar uga socday magaalada Xudur.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la isku halleynkaro ammaanka gobolka wixii ka dambeeyay markii malleeshiyaadka Shabaab laga xoreeyay inta badan deegaannada gobolkaasi, isagoo tibaaxay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo aan kala go’laheyn kaas oo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka.

Dhanka kale Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in bulshada ku dhaqan Gobolka bakool ay soo dhaweeyaan xukuumadda cusub ee dhawaan uu magacaabay R/wasaare ‘’Shirdoon’’ wuxuuna ugu baaqay Baalmanka in ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan xukuumadda si ay wax uga qabato dhibaatooyinka ka dhashay dowlad la’aanta ee muddada dheer ka jirtay dalkeenna.

SomaliSwiss     Xudur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: