Advertisements

Shir sanadeed ay isugu yimaadeen jaaliyadaha Afrikaanka oo ka dhacay dalkan Switzerland.

Shir Sanadeedkii labaad ee ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Afrikaanka ah ee ku dhaqan wadankan Switzerland, kuwaas oo kawada hadlay sidii ay u hormarin lahaayeen ama u xoojin lahaayeen dhaqanka ay asal ahaan kasoo jeedaan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Jaaliyadahan ayaa dhowaan ku dhawaaqay dalad mideysa Afrikaanka ku dhaqan wadankan Swiss-ka, kuwaas oo 2 sano kahor sameystay Urur lamagac baxay AFRICAN COUNCIL, waxaana xubno ka ah masuuliyiin katirsan jaaliyadaha Africaanka ee degan dalkaan Switzerland.

Mustaf Goobdoon oo katirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Zurich, isla markaana ah madaxa SomaliSwiss Radio oo ka qeyb galay Shirkaasi ayaa sheegay in Ururkanuu yahay mid ka shqeyn doona isku xirka dadka Afrikaanka ah iyo shacabka wadanka Swiss-ka, isla markaana sameyn doonaa mashaariic wax loogu qabanayo dadka qaxootiga ah ama usoo haajiray wadankan Swiss-ka.

Ugu dambeyn kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee ay isugu yimaadaan dadka asal ahaan kasoo jeeda wadamada Afrika, waxaana ay latashiyo la sameeyeen jaaliyadaha Afrikaanka ah iyo madax katirsan dowlada Swiss-ka, si loo yareeyo ku tumashada xaquuqda dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaan dadka kasoo jeeda Africa.

President  Dozi   Celeste
Ugochukwu             
In Anerkennung seiner Tätigkeit in der Förderung der Menschenrechte, hat der Bundesrat Dozie Celeste Ugochukwu in der Eidgenössichen Kommission gegen Racismus gewählt. Herr Ugochukwu is der Leiter des Rechtsdients vom Carrefour de Réflexion et d’Action contre le Racisme Anti-Noir (www.cran.ch), ein anti-Racismus think tank. Er ist auch der Koordinator des Afrika Diasporats Schweiz (www.africancouncil.ch)
 
Er ist auch Mitglied des Vorstands, Forum
für die Integration der MigrantInnen (www.fimm.ch)

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: