Ra’isal wasaaraha dalka oo ka qaybgalay Banaanbax Xukuumadda lagu taageerayey oo Muqdisho ka dhacay.

Ra’isal wasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo maanta ka qeybgalay Banaanbax lagu taageerayey Xukuumadda kaasi oo ka dhacay garoonka Kubbada Cagta (Coonis Stadium) ee degmada C/casiis.

Bannaanbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Gobolka banaadir, waxaana ka soo qayb galay shacabka ku nool degmooyinka Gobolkan.

Sidoo kale  dadka bannaan baxayey ayaa la sheegay in ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Ereyo looga codsanayo Xildhibssnsds Barlamaanka inay ansixiyaan golaha Wasiirada ee uu hoggaanka u ah Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: