Ra’isal Wasaare Saacid oo Maanta ka qeyb galay banaanbax lagu taageerayay Xukuumadiisa (DAAWO SAWIRRO).

Banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Garoonka Ciyaaraha Stadium Koonis ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ruux oo ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Dadweynaha isugu soo baxay banaanbaxan ayaa waxaa baabuur waaweyn looga soo kaxeeyay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana soo qaban qaabiyay maamulka gobolka.

Bannaanbaxan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isal wasaare Saacid Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Xildhibaano katirsan Baarlamaanka, qaar kamid ah wasiirada cusub iyo masuuliyiin kale.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: