Qarax xooggan oo waxyeelo geystay oo kadhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

War naga soo gaaraymagaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii  uu ka dhacay qarax xooggan oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sedex qof, hase ahaatee  goobjoogayaal ku sugnaa nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegeen in qaraxu ahaa mid xooggan.

Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd Buundo ay dadku isticmaalaan, waxayna ahayd waqtigii uu dhacayey qaraxaas 7:00 barqanimo, waxayna ahayd xilliga ugu mashquulka badan oo ay dadku shaqooyinkooda aadaan.

Sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo katirsan booliska Kenya, iyo quburro dhinaca qaraxyada ah, waxa ayna ciidamadu hakad geliyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee isticmaali jiray wadadaasi.

Qaraxan ayaa waxaa  ka hadlay Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya waxayna sheegay in qaraxu uu ahaa Bam wadada dhinaceeda la geliyay, haseyeeshee waxa ay sheegeen in weli ay wadaan baaritanno ku aadan arintaasi.

Dhanka kale Taliyaha Booliska magaalada Nairobi Moses Ombati, oo lahadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in goobta shilku ka dhacay ay u direen quburro dhinaca qaraxyada ah si ay usoo xaqiijiyaan waxa sababay qaraxa.

Sida la sheegay waxaa Axaddii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Nairobi qarax nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah lala eegtay Kaniisad ku taal magaalada Garissa, kaasoo sababay dhaawac soo gaara 11 qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobtaasi.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.xcom

%d bloggers like this: