Advertisements

Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyey Muqdisho, kuna qabtay maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabab.

General Khaliif Axmed Ereg oo ah  Taliyaha Ciidammada Nabadsugidda Qaranka Soomaailya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ballaaran oo ay xalay si wadajir ah uga sameeyeen ciidammada Qalabka sida qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay rag ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyuhu wuxuu Warbaahinta uga warramay howlgallo ay xalay ka sameeyeen ciidammada Nabad sugidda iyo Booliska qeybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho, iyadoo sida uu sheegay bar tilmaameeedsaday baro cayimin oo la rumeysan yahay in ay dhibaatooyin ka geystaan malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaa raaciyey in ay gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsana amniyaadka kooxda Al-Shabaab, hasa yeeshee ay baaritaanno sii marsiin doonaan sida sharciga uu yahay.

Dhanka kale Taliye Ereg wuxuu tilmaamay ragga ay ciidammadu gacanta ku soo dhiggeen in ay ku jiraan malleeshiyaad ay kol hore ku raad jooggeen ciidammada ammaanka dowladda, isagoo xusay in howlgallada ay ka socdaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida runta Guud ahaan howlgallada ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay caasimadda ka fuliyaan ayaa ah kuwa dhabar jabiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo gacanta dowladda ay soo galeen dhagar qabayaal badan oo si xaq darro ah dhibaatooyin kala duwan ugu geystay shacbiga ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii badanayan fashilka ku imaanaya dhagarta Al-Qaacidda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.xcom

Advertisements
%d bloggers like this: