Advertisements

Ra’isal Wasaaraha Soomaliya oo faafhaahin ka bixiyey sababta uu u soo xushay tobanka wasiir.

Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka wrabixiyay laba wasaaradood oo xukuumaddiisa kamid ah, kuwaa soo aan horay loogu arag xukuumadihii dalka soo maray, sidoo kalena wuxuu ka hadlay sababta uu u soo xushay tobanka wasiir oo kaliya.

Ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada ayaa waxay dhacday xalay maqribnimadii. kadib muddo dheer oo wadatashi ah, waxaana xukuumaddan ay calaamad u tahay inay ku jiraan laba haween ah oo aan horay uga mid noqon xukuumadihii dalka soo maray iyo inay ku jiro haweeneydii ugu horreysay oo noqota wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ra’isal wasaare Saacid oo faafaahin ka bixinayey Wasiirada wuxuu yiri: “Haddii aan sharraxaad ka bixiyo laba wasaaradood oo aan horay loo arag oo ka mid ah xukuumadeyda, waxay kala yihiin: wasaaradda khayraadka dalka, waxayna u xil-saaran tahay arrimaha beeraha, xannaanada xoolaha, kalluumeysiga, macdanta iyo tamarta. Sidoo kale wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, waxayna u xil-saaran tahay, arrimaha waxbarashada, caafimaadka, shaqada, dhalliyarada iyo isboortiga,”.

Sidoo kale, Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay u bareeri doonto inay ka gudubto caqabad walba oo ka hortimaadda iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in wasiirrada tobanka ah uu ku kalsoon yahay inay wax ka bedeli doonaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

Gabagabadii, Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaailyeed uu ka dalbanayo inay gacan ku siiyaan gudaha howshooda dastuuriga ah, sidoo kalena uu Alle ka baryayo in howshan uu la garab-galo.

Sida la wada ogsoon yahay Xukuumaddan ayaanoqonayso tii ugu tirada yarayd oo dalka soo marta muddo ka badan 45-sano ayaa waxaa laga sugayaa inay howlo badan oo horyaalla ka gudubto, kuwaas oo ay ugu horreysay sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka kaddib labaatan sano oo burbur ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

Advertisements
%d bloggers like this: