Mareykanka iyo dowlado kale oo soo dhaweeyay magacaabista golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaradda arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in kaaliyaha wasarada arimaha dibada Mareykanka Mrs Wendy sherman oo boqasho Saacado ah shalay ku timid magaalada Muqdisho waxaa ay kulan la qaadatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Afhayeenka Baarlamanka, Taliyaha ciidamada Amisom iyo ku xigeenka wakilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay kala hadashay tageerada dawlada Mareykanka ay u hayso dawlada Soomaaliya.

Haweynaydan oo kaaliye u ah  Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa noqonaysa masuulki ugu sareeyay ee ka socota Maraykanka oo wax kabadan 20-sano ayaa si diiran u soo dhawaysay soo dhisisa xubanaha golaha wasiirada ee xukuumada raisal wasare shirdon.

Sidoo kale waxay madaxada wadanka Soomaaliya ugu hambalyeesay horumarkii ugu danbeeyay ee laga samyay soomaaliya ay ugu horeysay dorashadii afhayenka barlamanka ee 20-ki bishi agust iyo doorashadii madaxweynaha jamhuriyada somalia oo dhacday 10-ki bishii september.

Dhanka kale Mrs wendy sherman ayaa xaqiijisay sida ay dawladda Maraykanka uga go,an tahay si wadida in la tagero hananka nabada wadanka Somalia.

Sidoo kale warsaxafadedka kasoo baxay wasarada arimaha dibada maraykanka ayaa lagu amanay taliyaha ciidamada amisom andru guti hawgaladii amisom ay al-shabab kaga saaren deegano dhawr ah ay kusugan yihiin shacab farabadan waxana ay shacisay maraykanka in uu taagerayo ciidamada midawga afrika iyo kuwa somalia si ay u gutaan wajibatkooda masuuliyaded ee ka saran amni lagu soo dabalo dhaman Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu shegay in ganacsatada somalia ay muujiyen geesino ay ku hormarinayan dhaqaalaha wadanka 20-kii sano ee la soo dhafay uu wadanka Jahwareerka ku jiray.

Waxaa kaloo soo dhaweysay ku dhawaaqisya golaha wasiirada cusub ee xukumada Soomaaliya dawlada wadanka Britain gaar ahaan Wasiiraka arrimaha afrika ee wasarada arimaha dibada mark seymondez aya sheegay in uu hanbalyo u diraayo xukuumada cusub oo maalinti shalay uu ku dhawaqay raisal wasaraha Somalia.

Wasiirku wuxuu caddeeyey in dowladdiisu ay si aad ah u soo dhaweynayso xukumada la soo dhisay oo ay ku jiran laba haweyn ah, wuxuuna  tilmamay in taasi ay tahay xaqiijinta dawrka hawenkla ay ku leeyihiin dhisida dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: