Gudoomiyaha Baarlamanka oo ka dalbaday Ra’isal wasaare Saacid in uu Xukuumadda cusub horkeeno Baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheikh Cismaan (Jawaari) ayaa ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha inuu xukuumadda cusub ku horkeeno Baarlamaanka muddo laba todobaad gudahood ah si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo xalay hadal ka gaaban ka jeediyey xafladdii lagu magacaabayay golaha wasiirrada cusub oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, ayaa golaha wasiirrada ugu baaqay inay la yimaadaan waxqabad muuqda iyo howlkarnimo.

Prof. Jawaari  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Sida uu dastuurku dhigayo xukuumada waa in lagu horkeeno baarlamaanka maalintii codka kalsoonida ah la siiyay ra’iisul wasaaraha oo ku beegan bishan 17-keeda ama maalin ka hor waqtigii ra’iisul wasaaraha la siiyay kalsoonida,” wuxuuna faafaahin ka bixinayay xilliga xukuumadda la horgeynayo Baarlamaanka.

Sida ay u muuqato Xukuumadan ayaa ku dhisan hab-qaybsiga beelaha ee 4.5-ka ah, balse waxaa la simay beelaha oo dhan, iyadoo beel walba la siiyay laba wasiir, waxaana tani ay u furtay albaabbo cusub dowladda, taasoo ah in meesha laga saaray kala sareyntii beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynuhu iyo R’iisul-wasaaraha ay muujiyeen inay kalsooni weyn ku qabaan in xukuumaddan la ansixin doono, ayaan haddana la ogeyn go’aanka kama dambeysta ah ee ay qaadan doonaan xildhibaannada baarlamaanka.

Inkastoo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay Ra’iisul wasaare Saacid si aqlabiyad ah u siiyay codka kasloonida, balse waxaa jira shakiyo badan oo laga qabo in baarlamaanka uu kalsoonida siin doono xukuumaddan oo ah tii ugu tirada yarayd ee dalka Soomaaliya soo marta.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: