Banaanbax lagu taageerayay Magacaabista Golaha Wasiirrada cusub oo maanta laga dhigay Muqdisho.

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho banaanbax balaaran oo lagu taageerayay magacaabidda xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka dagmada X/weyne ee gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay dad weynaha ku dhaqan dagmadaasi.

Dadka sameynayay dibadbaxa ayaa waxa ay  wateen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujinayaan taageerada ay u yahaan xukuumadda uu hoggaaminayo R/wasaare Saacid taas oo shalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadkii dhigayay banaanbaxa qaarkood ayaa la hadlay warbaahinta waxayna sheegay in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan oo la iskugu jaan gooyay dhisida xukuumadda cusub ee dalka.

Mudane C/llaahi Ibraahim Sahal “Gardhuub” oo ah Guddoomiyaha dagmada X/weyne oo hadal ka jeedidyay goobtii uu ka socday banaanbaxa ay shacabka ku muujinayeen taageerada xukuumadda ayaa ugu baaqay maamulada iyo shacabka dagmooyinka kale ee gobolka in ay taageeraan xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in ay si weyn u taageersanyihiin xukuumadda dalka ka dhalatay waxa uuna intaa raaciyay in ay si aad ah ula dhacsanyahay habka awood qeybsiga xubnaha wasiirrada.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: