Ra’iisul-waasaraha Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in haddii ay Dowladda Uganda kala baxdo Ciidamadeeda uu dalku gali doono Xaalad adag.

Ra’iisul-waasaraha Dowladda Federaaliga ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in haddii ay dowladda Uganda ay ka dhabeyso go’aankeeda ah inay Soomaaliya kala baxayso ciidamadeeda  ka  howgalka nabadeynta Soomaaliya ee ka qaybta ah Ciidamada Midowga Afrika ee uu dalku gali doono  xaalad adag.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxay wareysi la yeelay maalintii  shalay oo Sabtida ahayd Ra’iisul waasaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), waxaana Mudane Saacid wax laga weydiyey hadalka ka soo yeeray dowladda Uganda,  wuxuuna sheegay inaysan weli dowladiisu helin war cad oo ku saabsan in Uganda ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Saacid wuxuu hadalkiisa ku daray in haddii ay arrintan jirto ay kala hadlayaan Madaxda Sare Ururka  Midowga Afrika wuxuuna intaa uu raaciyey ee yiri: “Lama yaabayno haddii aan helno fariintaas oo kale.”

Sida la wada ogsoonya Uganda  waxaa ka jooga  Soomaaliya Ciidamo  ka badan 5,000 oo askari oo isugu jira milateri iyo booliis kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo la doonayo inay qayb ka qaataan dib u soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Dowladda Uganda  ayaa waxay si aad ah uga caroortay baaritaanno ay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ku sameeyeen dagaallada ka socda Congo, kuwaasoo ku eedeeyay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay hurinayaan colaadda ka jirta dalka Congo ayna taageero siiyaan jabhadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalkaas.

Warar ayaa sheegay in Uganda iyo Ruwanda ay  gaashaanka ku dhuftay eedeymaha lagu soo oogay, iyagoo eedeyntaas  ku sheegay kuwo lagu doonayo in lagu halleeyo sumcaddooda; waxayna Uganda ku hanjabtay inay ciidamadeeda nabad ilaalinta ah kala baxayso dalalka gobolka oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Arrintan ayaa waxay u muuqataan in Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM inay soo dhaweynayaan go’aanka ay Uganda ku sheegtay inay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya, taasoo dadka ka faalooda Siyaasadda Soomaaliya ay ku sheegeen inay Xarakada Al-Shabaab  u sahlayso inay ku guuleystaan dagaalkooda.

Si kasta ha ahaatee hanjabaadda dowladda Uganda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada AMISOM ay la wareegeen dhul ballaaran oo ay horay uga talin jirtay Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: