Ciidamo ka tirsanĀ xoogga dalka Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka howlgal ballaaran oo lagu sugayo ammaanka ka billaabay waddada dheer ee isku xirta Afgooye iyo marka.
General Cali Caraaye Cosoble oo ah Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalku uu saaka ka socdo waddada isku xirta Afgooye ilaa marka, wuxuuna intaa ku daray in ujeedada howlgalka uu yahay sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka waddadaasi.
Afhayeenka Ā oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:āāhowlgalku wuu socdaa saaka ayuuna ka bolowday waddada isku xirta Afgooye ilaa Marka waxaana ka qeybqaadanaya cutubyo ka tirsan ciidamada XDS, markii uu howlgalku soo dhamaado ayaan faahfaahin ka bixindoonaa natiijada howlgalkaā.ā
Hase yeeshee Ā howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor waddadaasi lagu dilay taliyihii guutada Shanaad ee Ciidamada XDS Allaha u naxariistee Gen.āāGordenā.
SomaliSwiss Ā Ā Ā Afgooye
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.