Taliyaha Ciidanka XDS oo maanta magaalada Baydhabo tababar ugu soo xiray ciidan ka tirsan Xoogga Dalka.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ka degay garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya General Maxamed Cali Catoosh iyo Wafdi uu hogaaminayay oo ay waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Saxafiyiin ka tirsan Warbaahinta Qaranka.

Garoonka diyaaraha ee magaalada Baydhabo Wafdiga markii ay ka degeen waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada waxaana lagu galbiyay gaadiidka martida iyadoo haatan uu soconayo kulan ay la qaadanayaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha iyo qeybaha bulshada.

Sida lagu soo warramay ujeedadada socdaalka wafdigan ayaa waxaa ka mid  ahaa u kuurgalidda xaaladaha amniga iyo nolosha dadka ku nool gobolka bay iyo sidii loo dhiiragelin lahaa Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan baydhabo.

Sidoo kale ku xigeenka wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa si wadajir ah tabobar ugu soo xiray in ka badan 1000 Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka islamarkaasna lagu diyaariyay gudaha magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidammadan oo tiradooda rasmiga ah ay gaareyso 1600 (Kun iyo Lix Boqol) Askari ayaa munaasabadda tababarka loogu soo xeri doono waxey ka dhaceysaa xeradii lagu tababaray oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayadoo munaasabadaasina ay ka qeybgali doonaan Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda iyo Saraakiil ka kala socota Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidammadan maanta tababarka loosoo xerayo ayaa waxay xeradaasi ku tababaranayeen mudo Todobo bilood ah waxaana laga soo kala uruuriyey deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee gobolka Baay wixii ka dambeeyey markii qeybo ka mid ah gobolkaasi laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Maalinnimadii shalay aheyd ayaa Ciidammadan waxaa loo qeeybiyey dareeska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhameystiran iyo hubkooda ayada oo ay si rasmi ah markii tababarka loogusoo xero uga mid noqon doonaan Ciidammada Xoogga Dalka ee ka howlgalaya gobollada Dalkeenna.

Si kasta ha ahaatee talaabadan ayaa qeyb ka ah dib u dhis guud oo lagu wado Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey isasoo tarayey Ciidammada loosoo xerayo tababarrada Ciidannimo waloow Ciidammadan maanta tababarka loosoo xerayo ay Ciidammadii hore kaga duwan yihiin iney tababarka ku qaateen Dhulkooda hooyo.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: