Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxyo Ismiidaamin ah, kuwaas oo ay ugu yaraan ku dhinteen  saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii sameeyay ismiidaaminta, waxayna arrintan  ka dhacay albaabka hore Maqaayad lagu magacabo The Village oo ku taalla inta u dhexeysa isgoyska Zope iyo isbitaalka Difeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmeen in ka badan 10-qof.
Dad goobjoogayaal ah oo u hadlay warbaahinta ayaa waxay  sheegay in qaraxyada ay sameeyeen laba nin oo walxo qaraxa isku soo xiray, inkatsoo aysan u suurogelin inay gudaha u galaan baarka oo ay xilligaas ku sugnaayeen dad badan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda iyo dad qurbo-joog ah.
Markii uu qaraxyadaas ay dhaceen kadib waxaa halkaas soo buux-dhaafiyey Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah wayana xireen aaga qaraxyadan ka dhaceen, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmayaa xilli ay ciidamada milaterigu ka sameeyeen maanta Muqdisho howgallo lagu ururinayya ciidamada dowladda ee wata hubka sharci-darrada ah.
Sidoo kale Maqaayadda la weeraray ayaa waxaa iska leh ninka leh baarkii The Village oo ku yaalla agagaarka guriga hooyooyinka halkaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof oo ay ku jireen saddex wariye oo laba ka mid ah ay u shaqeynayeen Radio Muqdisho.
Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa  horay u sheegatay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay baarka The Village ayaan ka hadlin weerarrada qaybta labaad ee baarkan laug sameeyay maanta, iyadoo ciidamada dowladdu ay xireen halkii uu qaraxu ka dhacay waxaana socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada ammaanka.
Dhanka waxaa lagu soo warramay in Maqaayaddan ay ka cuntayn jireen dad u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo dadweyne kale oo fara badan,hase yeeshee weerarkan ismiidaaminta ah ayaa noqonaya  kii saddexaad oo Muqdisho ka dhaca kadib markii  lasoo doortay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.